Maalinta Caalamiga ah Xuquuqul Insaanka (Xoriyadda, Sinnaanta iyo Caddaaladda)2023

Tayada xeerarka Somaliland ee la xidhiidha Xoriyadda, Sinnaanta iyo Caddaaladda, waxa inoo soo jeedin doona Garyaqaan Mubaarik Cabdi Ismaaciil, la taliyaha arrimaha sharciga ee Golaha Barlamaanka Somaliland ahna qareen u dhaqdhaqaaqa arrimaha xuquuqul Insaanka.
Caqabada soo waajaha ilaalinta Xuquuqda aadanaha, xoriyadda, sinnaanta iyo caddaaladda iyo sida looga gudbi karo oo ay inala wadaagi doonto Agaasime Raaqiya Yuusuf, Agaasimaha Waaxda Cabashooyinka iyo Adeegga Sharci ee Komishanka Xuquuqul Insaanka Somaliland.
Siyaasadda heer qaran ee loo baahanyhay si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadinka, Xoriyadda, sinnaanta iyo Caddaalada, waxa inoosoo jeedin doona Guddoomiye Cabdillaahi Axmed Maxammed “Cabdillahi Dahabi” guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Rejo. Waxana inoo daadihinaysa Faadumo Mustafe.

Пікірлер