GABAY WAR BAL KOW DHEH FAALADA - ABWAAN DHIMBIL

Dad Qabyaalad kool kooliyaa
Aafo keydsadaye.
Rag baa kaarar kiisii
Ku cunay Biig karawilahe
War bal kow dheh faaladda
Hub baad kuray u dhiibteene. .
Kumbiskaaga dhuuq iyo
Dadkii kaadso laga waayay
Karuurkiisa kii daadiyaa
Kolay la meer meerye.
War bal kow dheh Faaladda
Haduu Kaalmo cunayaaye.
Kolba kii aad xilka u dhiibataan
Kaadi dibi yeeye
Kobtuu geediga u leexiyaa
Waa abaar kululle.
Kursi loo tartamayaa
Dalkii loo kambalayaaye .
Kuwaanaa ka Daran
Maamulkaad shalay kaxeyseene .
War bal kow dheh Soomaalaay
Mas baad kiish ku wadataane.

Пікірлер: 4

  • @hoodocabdilaahi5268
    @hoodocabdilaahi526811 ай бұрын

    Alla muxu waxbadan inala hadalay hadii wax lagu qadanayo

  • @rijaaljama7926
    @rijaaljama79266 жыл бұрын

    Qarni laba kun haahaaban baad dib kadlayseene.... walee ishuu ka riday Abwaanku Allow u Naxariiso

  • @ismailibrahim4116

    @ismailibrahim4116

    2 жыл бұрын

    Aamiin, Aamiin, Aamiin.

  • @nuuxckaafi-su4iq

    @nuuxckaafi-su4iq

    Жыл бұрын

    Aamiin