Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday Masaajidka Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani ee Baqdaad

Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS ayaa sheegay in laba askari ay ku dhinteen ciidamo kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhashay miino kuwa la hago ah oo lala beegsaday kolonyo iskugu jirtay ciidamada Uganda iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo marayey jidka isku xira Muqdisho-Buufo-Baraawe, shalay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar aan la shaacin galabta ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, oo xulufo dhow ay yihiin.
Xoghayeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya ayaa maanta Magaaladda Muqdisho ku kala saxiixday heshiis wada shaqayn oo u dhaxeeya baarlamaanka labadiisa Aqal Iyo Hay’adda UNICEF.

Пікірлер: 6

  • @GaadisaaUmar
    @GaadisaaUmar13 күн бұрын

    Subax wanagsan❤❤❤

  • @MuxumedSarhaye-qz6wx
    @MuxumedSarhaye-qz6wx13 күн бұрын

    Xagay wax iska bedeleen waagii hore shaashada waxaa ka muuqan jirey weriyeyaasha Soomaalida ah hada lkn dad aan lagaraneynin ayaa shaashada ka muuqda

  • @xasanaxmed5850
    @xasanaxmed585012 күн бұрын

    👋 Weriye Samakaab.

  • @abshirali313
    @abshirali31313 күн бұрын

    Nabad iyo caafimaad Allaha n siiyo. Gaalkacyo baan idinkala socdaa

  • @abdihashi3583
    @abdihashi358312 күн бұрын

    😂😂😂😂😂😂

  • @mahamedomar7187
    @mahamedomar718713 күн бұрын

    𝑺𝒖𝒃𝒂𝒙 𝒘𝒏𝒈𝒔𝒏