No video

Sheekh Kishka oo kaso Horjeestay Guurkii Nabiga ee caaisha inuu 9 sano ku Guursaday

Caa’isha (RC) waxaa dhalay Abuubakar Al-Siddiiq (Cabdullaahi ibnu abii Quxaafa) (RC), hooyadeedna waxay ahayd Ummu Ruumaan bintu Caamir Al-Kinaaniya. Caa’isha waxay dhalatay sanadkii siddeedaad ama kii sagaalaad ee Hijrada kahor, kuna beegnaa 613 ama 614 Miilaadiga, ayadoo yar bayna islaantay. Haween gabar ah oon ayada ahayn Suubbanuhu “Sallallaahu calayhi wasallam” ma guursan. Wuxuu ku nikaaxsaday Makka bishii Soon-fur, laba sano iyo shan bilood Hijrada kahor ama sanadkii koow iyo tobnaad ee Nabinnimada, ayadooy da'deedu markaas ahayd 6 sano jir, wuxuuna kula aqalgalay Madiina bishii Soon-fur, Hijrada 7 bilood kadib, iyadoo ay da'deedu tahay sagaal sano jir, wuxuuna Meher uga dhigay 400 Dirham.
Waxa laga yaabaa inay dadka qaar kolkay hadalkas maqlaan durbaba lasoo boodaan: “Siduu u guursaday ilmo sagaal jir ah”. Hase yeeshee kolkay xusuustaan in qofka laga hadlayaa uu Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam” yahay, bay istaaqfurulaystaan oo faraha laalaabaan, arrinkana sidaas uga haraan iyagoo Aakhiradooda u baqaya, in kastoo aanay qanacsanayn, su’aashiina ay weli ka dhex guuxayso.
Waxan leennahay gabadha sagaal jirka ah ee noolayd kun iyo afar boqol iyo jarjar sano (1428) kahor waxay u dhigantay gabadha maanta nool ee shan iyo toban jirka ah. Waxyaabaha aynu aragtideennaas usoo daliishannayna waxaa kamid ah:
1- Aadan, aabbihii dad oo dhami kasoo farcamay, oo sida la qiyaasay waqtiguu noolaa lix kun (6000) oo sano laga joogo, waxaa la weriyay in dhererkiisu uu lixdan dhudhun ahaa. Xadiith Suubbanaha “Sallallaahu calayhi wasallam” laga weriyay buu macnihiisu ahaa: Aadan baa dadka ugu dheeraa wixii dad isaga ka dambeeyayna way isa sii dhimayaan (Jir ahaan iyo Cimri ahaan intaba) ilaa maalinta Qiyaamaha.
2- Reer Thamuud oo lagu qiyaasay inay noolaayeen afar kun (4000) oo sano kahor, qofkoodu wuxuu dhabarkiisa kusoo qaadi jiray dhagax, markaas buu intuu meel dhigto dhexda ka Qodi jiray oo guri ka dhigan jiray. Haddaba dhagaxa guri laga dhex qodayaa inta uu la ekaan karo waynu qiyaasi karnaa, waxase isweydiin leh qofka dhagaxaas qaadayaa intuu la’ekaan karaa xoog iyo joogba?, nin xilligaan noolise dhagax uu guri ka dhex qoto dhabarkiisa ma ku qaadi karayaa?.

Пікірлер: 34

  • @umu.xamza.binta.dulal.488
    @umu.xamza.binta.dulal.4887 жыл бұрын

    caqlaani aan caqlaani kale jirin wax kasto wuxu leeyahy makula tahy war Diinta iyo kala reeb makula tahy. axaadiis saxiixa hadad diido waxey la mid tahy Nibigana scw inaad diide. .warnaga tag. caqlaaniyahow.

  • @moonsun8500
    @moonsun85006 жыл бұрын

    sheekh mahadsanid , dad badan baa been nabigeena ka qoray xadiso badan oo daciif ah iyo mursal ah , iyo taarikho been ah , , waaba shey ay dadka islaamka necebi ay u adeegsadaan , kuwan wahaabiyadu waxey islaamka ayeey dulnimo , cey , isqarxin , is dilka , ayeey u soo jiideen , ,, waa been in ay caasho jirtay 9 , dadka waxaan idinka codsanayaa in aad sheekh daliilkiisa si fiican u dhageystaan

  • @yasinawes4836
    @yasinawes48363 жыл бұрын

    Kishka ha laga jawaabo suaashiisa, waa runtiis

  • @Professor4555
    @Professor4555 Жыл бұрын

    Maangaab yada Somaliyed wa dad an fikirin haba yarate shiikhow, ibn hebel ba yiri bey diin nooga dhigeen, wax an aabahey ku tilmaami karin bey nabiga ku tilmaaman mar waliba, , shiikh kishki kheyr ilaahey ha siiyo

  • @abdisalamkhalif1841
    @abdisalamkhalif18417 жыл бұрын

    war hedhe kan xagu noga yimid wa dadki rer galbeed soo tababaren jmcadka rer galbedka so saren . midda kle xisaabta ka qaldan caisha sanadki dhalatay ma hayo . kan birta in la saro ama inu tawba keeno wax ka dhaxeyo ma jidhan wa shaydan axaadithka diiday . alla ku qabay dheh

  • @abdishakurhassan274

    @abdishakurhassan274

    7 жыл бұрын

    xadithka.sidi.loqato.ayunoqon

  • @ahmedfiyaali7797
    @ahmedfiyaali77977 жыл бұрын

    maashalaaaah

  • @xaawadaganallownacafi8077
    @xaawadaganallownacafi80777 жыл бұрын

    allu aclam allow nagu toosi jidka toosan yaa allah

  • @ayaanmohamed575
    @ayaanmohamed5757 жыл бұрын

    shaydan illahay ayan ka magan galnay Allow naga makan gali shaydankan iyo inti so adagsatay

  • @saalaxdheeresaalaxdheere1638
    @saalaxdheeresaalaxdheere16387 жыл бұрын

    Waaryee culimada Muftiga ah ayaanu eegi jawaabtooda

  • @umuxafsa3125

    @umuxafsa3125

    7 жыл бұрын

    Saalaxdheere Saalaxdheere waa runtaa arinkan culimada ayaan udaynaynaa inay uga soo jawaabaan nama shaki gelinaayo waxa uusheegaayo shiikhaan insha allah

  • @sahraacabdilqadir4257
    @sahraacabdilqadir42574 жыл бұрын

    Sh.caan ah Oo soomalida dhexdeeda waxa uu yidhi naarta waxa kaliya gala caqli laawayaasha runtii quraanka ayaaba sidaa noosheegaya Kanna waa caqlilawe diinta caqli ka hormariyay

  • @umuharir896
    @umuharir8967 жыл бұрын

    inalillah wa ina ileyhi raajicun ninkani ha laga qabto umada muslimka

  • @yousufmunye8524

    @yousufmunye8524

    7 жыл бұрын

    umu harir wax daliil ah ma haysaa ninkan aad ku radinayso? oo aqoonta ma leedahay? hadii kale aan u deyno culimada ku taqasisay arinkaan.

  • @moonsun8500

    @moonsun8500

    6 жыл бұрын

    sxb mahadsanid

  • @haruunlugmaanilyaas0174
    @haruunlugmaanilyaas01747 жыл бұрын

    ninkaan dinac mushrikbuukayahay oosuufiah dinacna waamurtad oo nabiga axaadhiithtiisa ayuu bee ninahayaa dhiintabaa ka agdheer 28-6-2017

  • @alinor4000
    @alinor40007 жыл бұрын

    قال الامام البخاري: حدثني عبيد بن إسماعيل حدثنا أبو أسامة عن هشام عن أبيه قال توفيت خديجة قبل مخرج النبي صلى الله عليه وسلم إلى المدينة بثلاث سنين فلبث سنتين أو قريبا من ذلك ونكح عائشة 3683 . وهي بنت ست سنين ثم بنى بها وهي بنت تسع سنين warkaan dhirirka badan waqti aan ku dhagaysto mahayo lakiin ciwaanka jawaabtiisu waa xadiithkaan

  • @user-yv5dc8wg5v

    @user-yv5dc8wg5v

    7 жыл бұрын

    Ali Nor لا فض فوك👍👍

  • @waikanwakan2907

    @waikanwakan2907

    7 жыл бұрын

    Ali Nor xadiithkaaz waa kan lacileeyay. ee dhegeyso shiikha kadibna ka jawaab

  • @abshiroosman2413

    @abshiroosman2413

    7 жыл бұрын

    نعيم ة البدري

  • @yousufmunye8524

    @yousufmunye8524

    7 жыл бұрын

    Ali Nor adiga oo warka wada dhegeysanin baad jawaabt ka bixisay!!! cajiib iyo samir ama dulqaad xumo.

  • @WANAAG24
    @WANAAG247 жыл бұрын

    walee soomaali yaab baay leedahay.anigu waxaan Aad uga fekeraa. dadkan qaarba dadka iminka soo koraya ama qurbaha ku koray siday khatarta ugu jiraan waayo nimankan wadaada sheeganayaa wax badan waa waalay

  • @khalud1272
    @khalud12727 жыл бұрын

    kan waa gaal islaamka ku gambanaayo hala iska ilaaliyo

  • @khadarahmed8686
    @khadarahmed86867 жыл бұрын

    allah waxa aan waydiisanayaa in aanu qalbigayagu u bukoon sida uu ku buko adiga

  • @cumarcaaqil3560
    @cumarcaaqil35607 жыл бұрын

    waxaan weydiina ninkaan bidaarta weyn Ma waxaa beenaalayaal ah dadka axaadiith tan saxiixa ah soo wariyey? oo adiga caqlaaniyadaadaa run ah diinta caqli maahee waa quraan iyo xadiith ee xadiithka maad inkirsantahay? noo sheeg

  • @hamdahaji9324
    @hamdahaji93247 жыл бұрын

    hhhhhh anigu waxaa ninkan ,,,iicadaatay marku abuubakar radiyalahu raacin waayay marar badan asagoo wadaad sheeganaya,,,,waa shiico baan filayaaa,,,halkaaa ila arka

  • @mrdaljir6630
    @mrdaljir66307 жыл бұрын

    Kishki Waa Mustashriq Waa NInka Yiri(1) Heesaha waa Xalaal 2) waa ninka Inkiray Axaadiista Nabiga 3) waa ninka Quraanka si Qldan Ufasira NInkaan Qofkii Dhagaeesta ama difaaca isageey dhibee Laakiin Sheeq kishi wuxuu ku gabaday inuu yahay Suufiya Laakiin waa Beentiis... Fiiro Gaar ah

  • @smx111
    @smx1117 жыл бұрын

    Cuqubo,Alle kugu rid mahadduu baybal noo- Daliishaday

  • @waikanwakan2907
    @waikanwakan29077 жыл бұрын

    maashaa allaah waa shiikh geesi ah oo aad u difaacay nabiga. walee kuwii diinlaawa yaasha kasoo jeeday ee lagu soo tababaray boqortooyada sacuudiga ee asalkooda kasoo jeeda yahuuda banuuqureyda layiraahdo. diinlaawayaasha daanyeera daanyeera ah ee diinta ku qaraabta. kuwaas oo magacyadooda ay kala yihiin shibile dacayaweyn umul calool kudaarweyn dirir weji gamaar iyo isriis kiintaal.

  • @deadleagle7420
    @deadleagle74204 жыл бұрын

    woo xoogyey iska dheh

  • @Addour

    @Addour

    8 ай бұрын

    Nabiga tolmoon af-ka jeeddi waad ilaataye.

Келесі