Maxamed Cali furshed

Музыка

Maxamed Cali furshed
djibouti, jabuuti, somali

Пікірлер: 20

  • @xasan.jaamac
    @xasan.jaamac4 жыл бұрын

    GUULLOOW IIGA GARGAAR - - - HO.MAXAMAD CALI GEELLE FURSHEED ©Erayadii : Abwaan Aadan F. Samatar ? ©Codshaxankii : ?? ©Codkii : AHUN M.C.G Fursheed. Gadhka iyo bidaartiyo Guraday caddaatoo Haddaad ii gu’ tirisaan Soddon gaadhi maayee Wakhtigay guhaadshoo Sidan ii galaayee Hawlahan i gubayaa Ma wax dunida gaadhsiisan baa ? Ma wax aniga ii gaara baa ? Kala garani waayee Goohiyo dhibtaan qabo Guulloow iiga gargaar Hadday gabadh gashaanti ah Cidi guursan weydo Idaylaba gayaankeed Hadday gacan ka weydo Gallad sheegan maysee Cadhaa gawracaysee Hawlahan i garabgalay Ma wax dunida gaadhsiisan baa ? Ma wax aniga ii gaara baa ? Kala garani waayee Goohiyo dhibtaan qabo Guulloow iiga gargaar Gartii geesi weydaa Geesna uma hagaagtoo Lagumana guulaystoo Wanaag lagama gaadhee Gabbal dhacaaya weeyaan Markay sii gudhaysee Hawlahan i gubayaa Ma wax dunida gaadhsiisan baa ? Ma wax aniga ii gaara baa ? Kala garani waayee Goohiyo dhibtaan qabo Guulloow iiga gargaar Gebi iyo xaraar iyo Garbaa laygu tiirshoo Waxaan sii gucleeyaba Dhexda laygu gaadhee Gees kaloon u weecdiyo Talo iga gurracantee Hawlahan i gubayaa Ma wax dunida gaadhsiisan baa ? Ma wax aniga ii gaara baa ? Kala garani waayee Goohiyo dhibtaan qabo Guulloow iiga gargaar '' Mahadsanid Mudane Xasan !

  • @tashadetuff5503

    @tashadetuff5503

    4 жыл бұрын

    Yes yes yes 🙌

  • @G0_n3

    @G0_n3

    4 жыл бұрын

    merci beaucoup frere je cherche la chanson de fourchette dans laquelle il dit : cheick Osman bogediyo, balbalayi ku noshahee, i badbadi allaha yow, balaa igua naba gali

  • @xasan.jaamac

    @xasan.jaamac

    4 жыл бұрын

    Malableh walaalken Xasan Axmad (Jabuuti TV) baa ku mahadsan ee waatan sxb. kzread.info/dash/bejne/h3dpz7qTgci5p7w.html Waa heesta ugu horraysa. Magan Alle ahaw.

  • @G0_n3

    @G0_n3

    4 жыл бұрын

    @@xasan.jaamac magane alle et merci beaucoup

  • @Aw003

    @Aw003

    3 жыл бұрын

    WwxaN zxp kuga amaano garNa maayo

  • @ayssr3302
    @ayssr33024 жыл бұрын

    Way xasuusihi jabuuti ❤️❤️❤️

  • @khabiirharnandez5664
    @khabiirharnandez56644 жыл бұрын

    Aun Maxamed Cali furshed waa hoobal cod macaan oo waliba aan Heesihiisa aad u dhagaysto

  • @xasan.jaamac
    @xasan.jaamac4 жыл бұрын

    '' Naxariis badane Eebbow Dambbi dhaafe Ebbow Addoonkaa Fursheed baan Kuu tuugay eeggee Ilillada Firddowsiyo Nabbigiyo asxaabtii Halkay Ilaahow joogaan Ku arsaaq Allahayow '' [AAMIIN AAMIIN AAMIIN ]

  • @G0_n3

    @G0_n3

    4 жыл бұрын

    amine

  • @Aw003

    @Aw003

    3 жыл бұрын

    AmiiN wallo 🙏🙏🙏🙏🙏🙏🙏🙏👐

  • @ibrnour4223

    @ibrnour4223

    3 жыл бұрын

    Amin

  • @haruunciise9112
    @haruunciise91124 жыл бұрын

    Runtii wa Hees qiiro leh Naf tana galinaysa dareen jidhidhico leh??? Reer Djibouti aadban idin so salamaya Form tu Borama

  • @SomTVDiasporas
    @SomTVDiasporas4 жыл бұрын

    Heestu waa sarbeeb waxaanay ka hadlaysa dhibtii guumeystaha Faransiisku ku hayey ummada Reer Jabuuti xiligii Xalgangii Xoriyad doonka.

  • @G0_n3

    @G0_n3

    4 жыл бұрын

    matanaa waxaay sarbeeb u tahay taliska mucaangaga ee kaligui taliyee ismaciil cumaar guelleh

Келесі