No video

Hablaha fasalka 8-aad ee dugsiga Noradin150-ka ayaa booqasho ku tagay Wasaaradda Warfaafinta JSL

Saaka oo bishu ahayd 28 May 2024, ardayda fasalka 8B Gelin danbe ee dugsiga hablaha ayaa booqday xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland.
Ardaydan fasalkan ayaa kaalinta labaad ka galay Tartan-aqooneedka fasalada Siddeedaad, kaas oo dhawaan soo gabagaboobay.
Maamulaha guud ee Dugsiyada hoose-dhexe ee Noradin Siciid Yuusuf Xuseen(Siciid Carab) ayaa saaka ardaydaasi booqosho ugu kexeeyey Xarunta Wasaaradda si ay aqoon uga korodhsadaan habka ay Wasaaraddu u shaqayso iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo mar.
Waxa halkaas ardayda ku soo dhaweeyay madaxda sare ee Wasaaradda warfaafinta iyaga oo ardayda uga warramay qiimaha waddanka iyo doorka muwaadin ku ku leeyahay.
Waxa sidoo kale madshan ardayda ku madadaalieyey qaar ka mid ah abwaannada iyo fanaaniinta Qaranka.
Waxbarashadu keliya maaha mid ku eeg xayndaabka dugsiga ama fasalka balse waa mid dhaafsiisan marar badan, waxaana loo baahanyahay in ardaygu wax ka barto kana ogaado nolosha iyo waayaha dhabta ah ee ku xeeran.
Run ahaantii wejiyada quruxda badan ee ardayda ayaa ahaa kuwo muujinaya xiisaha iyo jacaylka ay ardaydu Dalkooda u hayaan.
Alle Dalkeenna mid aynu ku badhaadhno oo barwaaqa ah ha ka yeelo.
Aammin, aammin, aammin.

Пікірлер: 2

  • @ShahadSaad-lh4fs
    @ShahadSaad-lh4fs2 ай бұрын

    Schoolkayga noradin ❤❤❤❤

  • @user-rs6hq9zk1z
    @user-rs6hq9zk1z2 ай бұрын

    Anagaba 8 kayagi mxa nalogayn waayay

Келесі