FATOUMA AHMED SONG DJIBOUTI CONCERT 1991

Музыка

VOLCAN ON THE DRUM @ THAT TIMES IN DJIBOUTI 1991

Пікірлер: 151

  • @CSeerbiya
    @CSeerbiya5 жыл бұрын

    Taariikh Faneedka Faadumo Axmed Dhimbiil (1948-2018) Waxa Qoray Cumar Seerbiya Faadumo Axmed Dhimbiil sannadkii 1948 ayey ku dhalatay xaafadda lixaad ee Jabuuti ka dibna iyada oo 19 sanno jir ah oo aanay cidina fanka ku aqoonin ayey tagtay Xamar sannadkii 1967, waxayna la kulantay kooxdii Xabadi keentay ee ka timi Yementa Waqooyi, waxayna intii ay Jabuuti joogtay ee Xamar ka hor ka mid ahayd dhallinyarada gobonimo doonka ah . Kooxdan Xabadi keentay la dhihi jiray oo ahaa Abwaanno ka soo cararay dagaaladii ka socday waqooyiga Yeman waxa ka mid ahaa Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, Jaamac Saleebaan Tubeec, Maxamed Jaamac Ilkacase iyo Maxamed Siciid Baandey. Kooxdan ayaa Faadumo Xamar ku soo dhaweysay waxayna isla sannadkaasiba (1967) ay kooxda la meteshay Riwaayaddii Reer Ba'oow yaa ku leh? , ee sheekadeeda uu lahaa Abwaan Hadraawi halka heesaha ku jiray badankoodana uu lahaa Maxamed Jaamac Ilkacase . Riwaayadda waxa jilayey , Faadumo Axmed Dhimbiil iyo Cabdiraxmaan Xasan Sheekh (Abuuraas) oo isku ahaa Arbaha koowaad iyo Qalanjada Koowaad , Maxamed Siciid Baandey, Asli Khayre Gabboon iyo Jaamac Dubad Xiiray, waxayna kooxdu ka bilawday Balcad, Gaalkacayo, Qardho , Burco ilaa ay ku soo laabteen Xamar. . Heesaha riwaayadda ku jiray ee ay Faadumo Axmed Dhimbiil qaadday waxay ahaayeen labada hees ee erayadooda uu lahaa Maxamed Jaamac Ilkacase laxankana uu saaray Jaamac Saleebaan Tubeec ee kala ah “Maahee Khadraay” oo ay la qaaday Cabdiraxmaan Abuuraas balse markii Xamar lagu soo laabtay la siiyey Sahra Axmed Jaamac iyo Maxamed Nuur Giriig waxayna noqotay heestii u horreysay ee ay Sahra qaaddo, iyo weliba heesta kale ee “Hiddo” oo ay dadka qaarna ku yaqaanaan “Mays heli karnaa?” waxaana riwaayadda dhexdeeda kula qaaday Maxamed Siciid Baandey markii dambena idaacadda waxa looga duubay Faadumo iyo Maxamed Nuur Giriig oo aan isagu riwaayadda ku jirin. Markii ay dhagaha bulshada gaadheen heesihii ay qaadday Faadumo waxay noqotay gabadh fanka dhexdiisa aad looga tixgeliyo intii ay joogtay Xamar iyo Soomaaliyaba . sannadkii 1972 Faadumo Axmed waxay ka mid ahayd koox fannaaniin ah oo isugu jiray kuwa ka soo jeeday Jabuuti iyo kuwa Soomaaliya ka tagay kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Aadan Xaad(Qays) , Xaliimo Cabdi Odawaa (oo ay dad badani ku garan karaan heestii ma naftaydaan Mindi geliyaa?) , Maxamed Aadan Dugsiiye, Cabdi Ibraahim Geeddi ( Cabdi Bow-bow) oo isagu ka mid ahaa dadkii fanka Jabuuti dhidibada u taagay iyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Abuuraas. Isla sannadkaasi 1972 waxay Faadumo Axmed Dhimbiil ka qaybqaadatay riwaayaddii ‘Muuse Iyo Maryan” ee uu allifay Ibraahim Aw Saleebaan (Ibraahim Gadhle) oo Jabuuti loo yaqaanay magaca Cumar Cabdi Aw-Maxamuud oo ahaa magacii uu dhalashada ku qaatay., waxaana riwaayaddaasi ku jirtay heesta aadka loo jeclaysto ee “Culusaa Allahayow” ee uu laxanka lahaa Cabdiraxmaan Cali Xirsi , ayna wada qaadeen iyada (Faadumo) iyo Maxamed Aadan Dugsiiye. Sannadkii 1976 Abwaan Ibrmaahim Gadhle ayaa curiyey riwaayad la odhan jiray “Halgankii umadda iyo hoog isticmaar” oo ka hadlaysay in dadka reer Jabuuti xornimo ka rabaan gumaystaha Faransiiska. Dowladda Soomaaliya ayaana lacagta riwaayadda bixisay , waxaana riwaayaddan oo lahayd sidoo kale qayb Canfari ah oo uu ku darsaday Abwaan Axmed Laacde, laga dhigay Soomaaliya iyada oo laga soo bilaabay Borama ilaa Beledxaawo, waxayna riwaayaddu socotay muddo 71 habeen ah , waxayna kooxdu ka koobanyd ahayd 30 qof . riwaayaddan waxa ku jiray heeso ay ka mid ahayd heesta “ Ragga kaan ka eegtow Ama Ilwaad” oo ay wada qaadeen Faadumo Axmed Dhimbiil iyo Cabdinuur Alaale, waxaana heestan erayadeeda lahaa Xuseen Jig-jigaawi halka uu laxankana saaray Cabdinuur Alaale Xirsi, sidoo kale heesta , Nuur Dalaacow dib miyaad u soo noqon , waxa erayada Faadumo u dhiibay Xuseen Jigjigaawi laxankana isla Cabdinuur Alaale ayaa saaray. Sidoo kale isla riwaayaddan Ibraahim Gadhle waxa ku jiray gabayga caanka noqday ee” Afrika” oo ay ku luuqayso Faadumo Axmed Dhimbiil, heesta Allahayow dadkaygii ayey sidoo kale ka qaaday Faadumo riwaayadda . Faadumo iyo fannaaniintii ay wada socdeen oo ay ka mid ahaayeen Nimco Jaamac Migil , Cali Cabdi Dawaale iyo Abwaan Aadan Tarabi Jaamac waxay yimaadeen Xamar, waxayna riwaayaddii ka dhigeen Shaleemo Banaadir , iyaga oo booqday Jaamacadda Lafoole oo ay kula kulmeen Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi iyo Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye ka dibna waxay ku laabteen Jabuuti. Sannadkii 1978-kii waxa raadyaha Jabuuti laga shaqaalaysiiyey Kontan qof oo iskugu jira qaybaha kala duwan ee fanka oo ay ka mid tahay Faadumo Axmed Dhimbiil oo sidoo kalena la shaqayn jirtay kooxdii Gacan Macaan oo uu guddoomiye ka ahaa Abwaan Aadan Faarax Samatar laga soo bilaabo1971. Faadumo Axmed Dhimbiil waxay qaadday heeso aad u tiro badan oo badankooda caan ka dhex noqday bulshada sida Heesta Gaaraabidhaan oo uu erayada lahaa Abwaan Xuseen Aw-faarax Dubad horena ay u qaaday Xaliimo Cabdi Odawaa balse ay ku caan baxday Faadumo iyo heesta Tufaaxii aan tirsaday oo iyaduna ku jirtay riwaayaddii “Hanweynaa Ma Huryaa” ee uu lahaa Abwaan Xasan Cilmi Diiriye , waxana sidoo kale heestan hore u qaaday Xaliimo Cabdi sannadkii 1974 . laxankana Cabdiraxmaan Cilmi Xirsi ayaa saaray. Faadumo Axmed sidoo kale waxay qaaday heesta “Qaniiyada Abeesadu” oo uu erayada iyo laxankaba lahaa Axmed Xuseen Jigjigaawi . isla Faadumo ayaa Maxamed Nuur Giriig waxay wada qaadeen heesta”Soo mar “ oo uu erayada lahaa Cali Cilmi (Cali Aflow” halka uu laxankana saaray Maxamed Cali Nahaari (Maxamed Nahaari). Faadumo Axmed Dhimbiil sidoo kale waxay aad ugu wanaagsanayd ku luuqaynta laxannada qaraamka ah , waxaana xusid mudan in 1974 uu Maxamuud Ismaaciil Xudaydi uu Jabuuti ugu tumay Faadumo heesta laxanka Rogaal . Faadumo Axmed Dhimbiil dhawr iyo sagaashankii ayey Jabuuti ka dhooftay waxayna tagtay dalka Holland ka dibna Ingiriiska ayey u wareegtay . Sannadkii 2004 ayey Jabuuti ku soo laabatay, intii ka dambaysay waxay u badnayd Ingiriiska , 24-ka bishii May 2018 ayey Faadumo ku geeriyootay dalka Turkey-ga waxaana 25 Bisha May lagu aasay magaalada Jabuuti . Taariikhda Faadumo Axmed Dhimbiil waxa iiga waramay dad ay ugu horreeyaan, fannaanka Cabdinuur Allaale Xirsi oo sidoo kale ah Qoraa Suugaanta ururiya laga soo bilaabo 1971-kii, Jaamac Saleebaan Tubeec ayaa isna iiga waramay markii ay Soomaaliya timi 1967 iyo bilawgii fankeeda , waxaan sidoo kale dhageystay Waraysi laga qaaday Faadumo mar ay dalka Jabuuti joogtay.Waxaana iga xasuusin ah inay jiraan heeso badan oo ay qaaday Faadumo kuwaasi oo aanan qoramadan ku sheegin. Waxa Qoray Cumar Seerbiya 23 , Febraury ,2019. Muqdisho Soomaaliya

  • @abdishakurabdisalan1531

    @abdishakurabdisalan1531

    4 жыл бұрын

    Illahay haunaxriisto

  • @darwishboy5255

    @darwishboy5255

    4 жыл бұрын

    Gormay dhimatay mamadan waqti hore miyaa ama dhawaan ayay dhimatay maba maqlin aniga ilahy ha u naxaristo

  • @pysuhayb15

    @pysuhayb15

    4 жыл бұрын

    Seerbiya nin fanka.ka warhaya

  • @abdirahmanmohamed2990

    @abdirahmanmohamed2990

    4 жыл бұрын

    2018 ayeey dhimatay faadumo alle naxariistiisa haka waraabiye wadanka turkiga ayeey ku dhimatay.

  • @ayaanahmed5939

    @ayaanahmed5939

    4 жыл бұрын

    Fadumo waa fanaanada ugu codka macaan reer Djib. Allah ha u naxariisto.

  • @nasmacumar3406
    @nasmacumar34064 жыл бұрын

    Heestan waa hees tariikh ku le dalkaga Djibouti waa heesti halganka dalkayga marki gumaysi diidka lkn dadku jacal ayay modan😭😭😭😭😭 Runti Abo alle hu naxariisto wuxu aha mujahid dalkiisa dhib badan uso maray si umada Djibouti xoriyad u helan🤲😭

  • @yahyaadenddahir8649
    @yahyaadenddahir86494 жыл бұрын

    Safiya maxamed daahir inanta muqdisho gottalent ugu codka macaan ayaan ku bartay heestan Yaa ila mid ah

  • @xamzeibraahim2373

    @xamzeibraahim2373

    4 жыл бұрын

    sidoo kale bro

  • @nimcoabdi6298

    @nimcoabdi6298

    4 жыл бұрын

    Aanaa kulamida ah

  • @xogsadeabdi5422

    @xogsadeabdi5422

    4 жыл бұрын

    Ka hor baan aqanay wayo fadumo ahmed dhimbil waa ree jabouti alow uu naxaristo heseheda radio baan xita ka dhagaysan jiray✌️🙏

  • @muuseaar4787

    @muuseaar4787

    4 жыл бұрын

    Walahi aniguba

  • @abdirazakmuhumed8834
    @abdirazakmuhumed88344 жыл бұрын

    20 December 2019 Hada iga danbesid dhagesiga heestan like ku qabo

  • @dr_abdala8041
    @dr_abdala8041 Жыл бұрын

    Maxay fananad qaaliya ahayd rabbiyow kunaxariiso Cod hala laasi ah bay laheyd oo soo jiidasho leh❤️

  • @Cocoady134
    @Cocoady1344 жыл бұрын

    Ma dhalan marki la qaaday heestan mnta 4 carur ah bn leyahay Mansha Allah

  • @johnpea9549

    @johnpea9549

    3 жыл бұрын

    Gormaa laqaaday

  • @boqorabdi7419
    @boqorabdi74193 жыл бұрын

    *Gaaraa bidhaan* waaa xayawaanyer oo hbnkii iftin yer bixiyah oo Waliba geedaha hoostooda dhexdood ka ifah Allah ha kuuu naxariisto adiga iyo intiii muslim ah

  • @alexlegrand6669
    @alexlegrand66696 жыл бұрын

    Sida goodir caar aah Ama good Libaaxeed Ama guluf colaadeed Ama ciyowga galabeed Ama geyi abaareed Laga guurey mooyee Cidla gacal la’aaneey Gabal iigu dhacayaa 😭😭😭😭😭😭 Gudcurkoo madowbaan Xidigaha ku gudayaaa Guuraha hilaacaan Galacdiisa raacaa Garaabidhaantaan Hadba gees u raacaa Ma geeriyoo magli’i baan Ku gunaanad seegaa 😪😪😪😪😪😪 Gudidii jacaylkaa ii gargaari weydoo Godka inaan u hoyday Taladii ku gooyeen Ubax inaan u geeyoon Gacan-qaada mooyee Anna geeri diidoo Geli maayo iilkee

  • @g0ne228

    @g0ne228

    2 жыл бұрын

    Merci 🙏

  • @user-vl7lp6uo5f
    @user-vl7lp6uo5f5 жыл бұрын

    25/5/2018 ayey faadumo axmed dhimbiil kudhimatay dalka turkiga waxana lagu aasay magalada jabuuti aadbn wlhy uga murugoday aadban ujecla fanandn iyo codkedaba waliba heestedan ayan aad ujecelhay waxan kamurugoday inay geeryotay anigon wali arag wankuso ducayn inshlh ifka kumaynu kulmine allejanada haynagu kulmiyo 😭😢

  • @Ahmedmohamed-wo2fv

    @Ahmedmohamed-wo2fv

    5 жыл бұрын

    Aad iyo aad walaal. Qof wadaniyada jecel bay ahayd anuguba waan jeclaa.

  • @sadam8268

    @sadam8268

    5 жыл бұрын

    Alla yaa rahma

  • @alimdooh8539

    @alimdooh8539

    5 жыл бұрын

    Alle naxaristi jano haa ka warabiyo hesten waxa aan dhagaysata marka wax tabayoo

  • @ahmedfarah6079

    @ahmedfarah6079

    5 жыл бұрын

    Amiin.

  • @achmedlander3123

    @achmedlander3123

    5 жыл бұрын

    Guduudo carwo djibouti ban ku dhashey marka ano yar ban maqli jirey heesahan..markan schoolka usocana buska laaga saari jirey ......marka maqlo xasuus dheer ayaan gaala .....allah ha uu naxariisto

  • @wiilkaReerCigalle
    @wiilkaReerCigalle4 жыл бұрын

    Heestan waxaa la qaaday xiligaan dhashay 1991 Balse caawa ayaan maqlay oo wlhi ah waana hees aad iyo aad iyo aad u wanaagsan una jeclaystay Waxaana ka maqlay gabar ku tartamaysa Muqdisho Got Talent ❤️❤️ Iyo youtuberka Hal-Abur cawil bile oo reaction ka bixinaya

  • @dr-abdala8403
    @dr-abdala84034 жыл бұрын

    Allow kunaxariiso.. Cod hala-laasi ah baad la dhimatay faadumoy 💔😌

  • @saabir3667
    @saabir36673 жыл бұрын

    Allah yarxam 7 nov 2020 ilaahay qabriga ha u nuriyo

  • @abdulahimohamed5491
    @abdulahimohamed54915 жыл бұрын

    Ax Ax Ax Ax heestan wxan ku xasuustaa gabar aad aan isku jeclyn markaan ka tagay oo aan dayacay bay iso qortay waraaq heestan markan maqlo codkeedii ba ii sawirma dhalinyaro nimo bn ogatay wxan ahayn dad markaas madaxa so qaaday 18 ilaa 20 jir sanadki 2000 bu ahaa oo dhamaad ah balse dqonimo ban u dayacy markan dano yar uga tagay hada waa hooyo soomaliyed oo caruur io ninba leh wxayna dagantahay wadanka england magaalada birmingham aniguna wadanka mareykan magaalada columbus weli wan isla xiriirna ilaa hadda aduunka waan isku seegnay lkn alle ha xifdiyo

  • @saphaheiz4286

    @saphaheiz4286

    5 жыл бұрын

    Jacylku ha waaro abid😍😍😍😍😍

  • @fosiyacali4333

    @fosiyacali4333

    4 жыл бұрын

    adiguna aabo somaliyed ma noqotay mise cidla gacal la´aanayd ayuu gabal kuugu dhacaya?

  • @fosiyacali4333

    @fosiyacali4333

    4 жыл бұрын

    anigu waxan qaadi jiray heesteda tidha hamiyo warwar baa idilay waxbay la hadloo hinqaday haraadkuna iguma yaraa halkuu jiro layga hees hilaabtay habeen madaw talaabada hinjiyee dartii halis aan u galay inaan helo waan jeclaa humaagiisaa i hoday hayaamay horseed la'aan cidlaan ka hadaaqayaa hilaac bilig laa i hormaray hubsiima la'aan hiigsaday talaabada hinjiyee dartii halisaan u galay inaan helo waan jeclaa

  • @eerigoocagaare902

    @eerigoocagaare902

    4 жыл бұрын

    Abdulahi Mohamed gabadhaa dhawr comment baan ku arkay adiga oo ku xusaya waa qof kugu dheer

  • @abdulahimohamed5491

    @abdulahimohamed5491

    3 жыл бұрын

    @@eerigoocagaare902 sxb haa wxy ilaso marty qiso dheer heeskana qeyb weyn bu ka ahaa. Mhdsnid

  • @amarehadaweh9683
    @amarehadaweh96835 жыл бұрын

    Sida goodir caara ah Ama gool libaaxeed Ama guluf colaadeed Ama ciyowga galabeed Ama gali abaareed Laga guurey mooye Cidla gacal la'aaneey Gabal iigu dhacayaa 🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯 Gudcurkoo madow baan Xidigaha ku gudayaa Guuraha, hilaacaan Galacdiisa raacaa Gaaraa-bidhaakaan Hadba gees uraacaa Ma geeriyo mag li'ii baan Ku gunaanad seegaa 🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯 Gudidii jaceylkaa I gargaari weydoo Godka inaan u hoydey Taladii ku gooyeen Ubax inaan u geeyoon Gacan qaado mooyee Ana geeri diidoo Galimaayo iilkee AUN FAADUMO AXMED DHIMBIIL iyo ereyadii AUN abwaan Xuseen aw faarax dubad.

  • @Jeen-Umal10

    @Jeen-Umal10

    5 жыл бұрын

    Amareh Adaweh, aad baad ugu mahadsan tahay inaad ereyada si qurxoon u qortay una soo gudbisey. Dhawr weedhood baan sixi lahaa siday ila tahayna ay sax ku yihiin. Ama Gool libaaxeed (Maaha Good). Gudgudaha hillaacaan (Maaha Gooraha), mahadsanid walaal ✌👍👌

  • @abwaanileeyemohamed6799

    @abwaanileeyemohamed6799

    4 жыл бұрын

    Waatahay

  • @abdirahmanmohamed2990

    @abdirahmanmohamed2990

    4 жыл бұрын

    Jeen umal walal dadka aad u ilaalinaya af -keenna iyo suugaanta ayaan kugu tiriyaa guulayso

  • @ahmedkaled6359
    @ahmedkaled63598 жыл бұрын

    Calyk calyk calyk maamo tress belle voix bravo illahay cimriga haku dhereyo maamo faadumo ahmed dhinbiil

  • @mohamedrooble6474
    @mohamedrooble64745 жыл бұрын

    Abwaanad,fanaanad qaran Allah ha unaxariiso aamiin aamiin aamiin aamiin aamiin.

  • @ayaandhemanxeri4316
    @ayaandhemanxeri43164 жыл бұрын

    Heestan gabar kasta oo qaado mama fadumo aa uga sii sidata allaha kuu naxariisto 2020

  • @ahmedadan2362
    @ahmedadan23625 жыл бұрын

    Fanaaniin waa kuwii hore(Old is Gold)

  • @xaajiabdulaahi3864
    @xaajiabdulaahi38644 жыл бұрын

    2020 ayan wali dhagysanaya heesaha casriga ahna laba goor kuma ceshan kartid wad nacaysaaba 🙏🙏🙏💖

  • @keysesharmarke3797
    @keysesharmarke37975 жыл бұрын

    faadumo ahmed dhambiil ilaahey Naxariisto 8 sanadood baa La deganaa Groningen Holland waxay shaqsi fiican oo farxad badan

  • @Qofnaba.
    @Qofnaba.5 жыл бұрын

    ahn fadumo ahmed dhimbil 😭😭fanand qaliya ayay ahyd hestana waa tu kamida taa aan ugu jecelay Heesaheeda

  • @Ahmedmohamed-wo2fv
    @Ahmedmohamed-wo2fv5 жыл бұрын

    Alle ha u naxariisto faadumo waxay ahayd fanaanad xoriyada u soo halgantay kana mid ah tiirarka fanka ee somalia iyo jabouti.

  • @amalyusuf1210
    @amalyusuf12102 жыл бұрын

    Allah ku naxaristo habaryar macaan

  • @FarhiaFarah-wg5qe
    @FarhiaFarah-wg5qe Жыл бұрын

    Naaaagodumaaar waan uwataaa.

  • @fathiyaaliyahz7475
    @fathiyaaliyahz74758 жыл бұрын

    Ubax Inaan Ugeeyo Gacan Qaado Moyee Ana Geeri Diiddow Gali Maayo iilke Maamo fadomo Nolow

  • @abshirdirie132
    @abshirdirie1324 жыл бұрын

    Inantii nimco jokar barnamjkeeda ka qadaysay heestaan she make us breaking ♥️ thx huuno

  • @ismahanmohamed2011
    @ismahanmohamed20114 жыл бұрын

    Still am watching 💘💘

  • @BoulalehMadina-ne6mo
    @BoulalehMadina-ne6mo6 ай бұрын

    Allaha ku naxaristo edoo ❤❤

  • @garaaddibow8520
    @garaaddibow85204 жыл бұрын

    November 2019 farta taag

  • @moshire6645
    @moshire66454 жыл бұрын

    2020 ayan daawanayaa✌

  • @mustafexirsi
    @mustafexirsi4 жыл бұрын

    Alle ha u naxariisto Faadumo Axmed Dhimbiil. Geeraay xishood laay maxaa qof qaali ahaa ku gu maqan.

  • @anfaaladan4518
    @anfaaladan45183 жыл бұрын

    2020/10/12decmber maalin khamiis 🤚🎧😁

  • @abasmohamed9819
    @abasmohamed98196 жыл бұрын

    *ilhy ha u naxariisto amiin*

  • @plusquemaviejetaimemamere2225
    @plusquemaviejetaimemamere22256 жыл бұрын

    10/1/2018 yaa daawanaya farta taag

  • @nastehaabdisalaam6241

    @nastehaabdisalaam6241

    6 жыл бұрын

    Abubakar Dahir kama daalo dhageysiga hestan

  • @plusquemaviejetaimemamere2225

    @plusquemaviejetaimemamere2225

    6 жыл бұрын

    Wlhi MCN wyeh wx laga daalo ma aha hda xata wn dhagayzanaya 13:00 6/5/2018

  • @abshirmaxamed3707

    @abshirmaxamed3707

    6 жыл бұрын

    plus que ma vie je' taime ma mère walal heesta magaceeda ma igu cawin kadhaa

  • @Abdi_Iskooj

    @Abdi_Iskooj

    Жыл бұрын

    5 sano ka hor adiga Ana waa maanta 2023

  • @souleimandahirgod8504
    @souleimandahirgod85043 жыл бұрын

    ALLAH HA U NAXARIISTO DHAMAANTOOD AAMIIN Le 14 juin 2021

  • @khalifmohamudibrahim
    @khalifmohamudibrahim4 жыл бұрын

    6/ 2 / 2020 ayaan daawanayaa Like ii saar

  • @xubimxmd7037
    @xubimxmd70372 жыл бұрын

    Alha kuu Naxariisto maamo🤲😭

  • @OubahOubahAliahmed
    @OubahOubahAliahmed2 ай бұрын

    Macha allah

  • @sahalibra5288
    @sahalibra52886 жыл бұрын

    Ilah ha u naxariisto

  • @djbayaayo3135
    @djbayaayo31354 жыл бұрын

    2020 1 bisha INTA IGA DAMBEYSA DON'T FORGET LIKE FROM SWEDEN

  • @azmaismacil
    @azmaismacil5 жыл бұрын

    heestan 7 iga wayn tahay hadana waan dhagaysta marwalba cawa 2018/9/18

  • @asalhargeisa3668

    @asalhargeisa3668

    5 жыл бұрын

    Waa la duubay 1991 aad bayse uga horaysay heestu wakhtigaa

  • @kaidosultan9882
    @kaidosultan98826 жыл бұрын

    Heestan ma waxay u jeeda dhibti gumaysiga naga so gaadhay? Waxan u maleeya waliba inay tahay fariin ay gaadhsiinayso Xarbi

  • @dalkachannel
    @dalkachannel5 жыл бұрын

    Sida goordir caara ah Ama gool libaaxeed Ama guluf colaadeed Ama ciyow galabeed Ama gali abaareed Laga guurey mooyee Cidla gacal la'aanee Gabal igu dhacayaa 🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯 Gurcudkoo madow baan Xidigaha ku gudayaa Guuraha hilaacaan Galacdiisa raacaa Gaaraa bidhaataan Hadba meel ku gaadha Ma geeriyo mag li'ii baan Ku gunaanad seegaa 🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯🇩🇯 Gudidii jaceylkaa I gargaari weydoo Godka inaan u hoydey Taladii ku gooyeen Ubax inaan u geeyoon Gacan qaado mooyee Ana geeri diidoo Galimaayo

  • @abdihrasak
    @abdihrasak4 жыл бұрын

    21.12.2019? AUN Faadumo Ahmed dhimbiil

  • @queenamran8535
    @queenamran85356 жыл бұрын

    Ilahoow unaxariiso

  • @alisacudi4090
    @alisacudi40903 жыл бұрын

    Xasuus ano yar ban maqli jiray heestan Alle haku naxariisto

  • @adaruzmohamed4748
    @adaruzmohamed47485 жыл бұрын

    2019🙏🎧🙏AMAZING

  • @zakimohamoud6288
    @zakimohamoud62882 жыл бұрын

    Legend djiboutien

  • @abdimahadmuhumed6208
    @abdimahadmuhumed62088 жыл бұрын

    wooow masha Allah illahay ha xafido aqiro iyo adunba

  • @Abdalladhiif.
    @Abdalladhiif. Жыл бұрын

    “Anna Geeri diidoo gali maayo iilkee” Haddana wey gashay ilahay ha’uraxmado Marxuumadda

  • @xuseenaadan3409
    @xuseenaadan34094 жыл бұрын

    From farhia mohamed dahir

  • @abdirahmanfigo1042
    @abdirahmanfigo10424 жыл бұрын

    2020 hada dawnysid like

  • @alimoaw4039
    @alimoaw40394 жыл бұрын

    heesta waxa lahaa alle ha u naxariistee xaliimo cabdi oodawaa faadumo mardambe ayay qaaday

  • @kadijasaid534

    @kadijasaid534

    4 жыл бұрын

    Maya Hesstan Fatuma iska lahayd wllo

  • @kadijasaid534

    @kadijasaid534

    4 жыл бұрын

    Maya Faduma iska lahayd heestan wllo

  • @Am-pk3zh
    @Am-pk3zh3 ай бұрын

    AUN Amiin❤❤

  • @shadow1-h
    @shadow1-h8 жыл бұрын

    I love this song manchalah

  • @abdiazizmohamed7899
    @abdiazizmohamed78998 жыл бұрын

    mageeri iyo mag li baan ku gunaanad seeg waah waah ala yacizk

  • @ahmedyare7880
    @ahmedyare78805 жыл бұрын

    17/11/2018 Yaa dwnyey

  • @potatoheadiii8808
    @potatoheadiii88086 жыл бұрын

    Allah yarxam Faadumo Axmed dhinbiil shalay ayay God gashay.

  • @asmadahabo3252

    @asmadahabo3252

    5 жыл бұрын

    Ax alaa yarxamhaa imikadan baa la ii sheegay heesteedan baan aad u jeclaa

  • @hoodomaxamuud1512
    @hoodomaxamuud15124 жыл бұрын

    Ubax inaan u geeyo gacan qaado mooyee ana geeri diidoo gali maayo iilkee 01:21 Mon 29 June habeen xusuusteeda leh ilaahay qabriga ha kuu nuuro

  • @alisacudi4090
    @alisacudi40903 жыл бұрын

    16/2. 2021 from hargysa

  • @djama.m.chirdon4771
    @djama.m.chirdon47718 жыл бұрын

    Nolow fatouma ahmed dembil !!!!!

  • @munamunastylista7637
    @munamunastylista76376 жыл бұрын

    2018 still watching

  • @geedihassan5048

    @geedihassan5048

    3 жыл бұрын

    2020 /27/8

  • @shinekhadarmahamed7801
    @shinekhadarmahamed78016 жыл бұрын

    Waa hees dareenka gil gilaysa

  • @mustafamohamedbatoun6695
    @mustafamohamedbatoun669510 жыл бұрын

    merci maman

  • @adenhersi4127

    @adenhersi4127

    5 жыл бұрын

    My god , aad baan u jeclaa fadumo axmed dhimbiil heesaheeda murtiday xanbaarsanaayeen .tu nous manquera toujours ma soeur et tu n a pas vecu inutilement .que la terre te soit legere .aamiin .

  • @wardhaanmedia2579
    @wardhaanmedia25794 жыл бұрын

    HEESTAAN SAFIYO MAXAMED BOQORADA CODKA AYAAN KASOO RAACAY GOT TALENTIGA EE ADNA GACANTA TAAG HADAA ILA MID TAAHAY?

  • @saleebaanmadobe
    @saleebaanmadobe4 жыл бұрын

    Allah hakuu naxariisto

  • @Abdi-uy1kh
    @Abdi-uy1kh6 жыл бұрын

    ilaahi ha uraxamado

  • @mohamed_ilwayn
    @mohamed_ilwayn4 жыл бұрын

    Yaaa ciyalkaan hesaha qaramigaa noga qabta

  • @nagadmohamed9789
    @nagadmohamed97898 жыл бұрын

    waaaaaw fatoumo ahmed

  • @bilanismael9480
    @bilanismael94805 жыл бұрын

    2019

  • @al-amalorganisation1846
    @al-amalorganisation18469 жыл бұрын

    Yaa salaam

  • @halimacadey7176
    @halimacadey71766 жыл бұрын

    Heesta waba iga weythy 1991 aaa 4 sano iga weythy

  • @abdullahiyusuf5830

    @abdullahiyusuf5830

    6 жыл бұрын

    halima cadey hahahaha ma’isyareeysay sagaashankii

  • @khadarlaboraad263
    @khadarlaboraad2635 жыл бұрын

    Godka inaan uhoydaan taladii Ku gooyay allaah yarxamak maama

  • @haboonmohamed6801
    @haboonmohamed68014 жыл бұрын

    Ax ax qfkygii kuxazuuzta markuu wadanka katagy isoo dirijry welina makulmin illlow nziip fiicn

  • @andersonjoali5167
    @andersonjoali51678 жыл бұрын

    wow notre star

  • @nagmainaxaji4887
    @nagmainaxaji48876 жыл бұрын

    Allah yaa rahma

  • @sucdiafnaan9870
    @sucdiafnaan98706 жыл бұрын

    heestan wayba iga weynthy 1991 aaaaa

  • @ismali707
    @ismali7075 жыл бұрын

    17/12/2018 yaa dawanaya

  • @FarhiaFarah-wg5qe
    @FarhiaFarah-wg5qe Жыл бұрын

    Kalttuneeeey taaalataalay.aaba layyiraah sooooo hee dhawoow waxbadan gabadha khatraaaay qarantaan caddy yareydaanfaraxsaneeyfaceeda karooneey fariidad minyaro bahyareey

  • @khalilshurkigaas6078
    @khalilshurkigaas60784 жыл бұрын

    Last day in 2019 31.12.2019 18:00 🕕 👐🏻👋

  • @halwaadan4918
    @halwaadan49184 жыл бұрын

    Qofki 2020 firsanayo ikali

  • @abdirzakkaahin4920
    @abdirzakkaahin49207 жыл бұрын

    heestan xasuus dheer bay igu leedahayna runtii anoo safar ku jira ayaan dhageysan jiray mudo dhawr bilooda ax yaa asxaabtii nasabka ahyd ee aan nafta isku dhignay dadka waxa kaliyee lagu kala bartaa waa rafaadka adag iyo baahida markaas bay ragu kala baxaan

  • @ramzikmohamed1727

    @ramzikmohamed1727

    7 жыл бұрын

    Abdirazak Hassan 😭😭😭😭😭😭 Xaqiiqo libaax wlhi taasaan been ahayn 💯💯💯💯

  • @ramzikmohamed1727

    @ramzikmohamed1727

    7 жыл бұрын

    Abdirazak Hassan 😭😭😭😭😭😭😭 Xaqiiq libaax walee taasaan been ahayn 💯💯💯💯

  • @isseabdullahi1496

    @isseabdullahi1496

    5 жыл бұрын

    abdirzak kaahin Aad&aad sxp Nin jileec oo dhan cidlo gacal la’aabeed gudcurkoo mawdoow iyo kuma gudikaro xiddiga Rag 3 ayaad ku barataa Jid wada mara Jabad wada daga ama Jadiin wada cuna!!!!!

  • @mursalcoofle8975
    @mursalcoofle89756 жыл бұрын

    Waa hiistii islaantaydu ay ii qaaday waagaan isbaranay

  • @shinekhadarmahamed7801
    @shinekhadarmahamed78016 жыл бұрын

    Gaaraa bidhaankaan hadba gees u raacaa!!

  • @fardowsojalwo6883
    @fardowsojalwo68834 жыл бұрын

    Esh qiyaasak👌

  • @nimcaanyare2587
    @nimcaanyare25875 жыл бұрын

    2018 /23/September

  • @musegalaal1023
    @musegalaal10235 жыл бұрын

    Sida goordir caara ah Ama gool libaaxeed Ama guluf colaadeed Ama ciyow galabeed Ama gali abaareed Laga guurey mooye Cidla gacal la'aanee Gabal igu dhacayaa Gurcudkoo madow baan Xidigaha ku gudayaa Gudgudaha hilaacaan Galacdiisa raacaa Gaaraa bidhaataan Hadba gees uraacaa Ma geeriyo mag li'ii baan Ku gunaanad seegaa Gudidii jaceylkaa I gargaari weydoo Godka inaan u hoydeyseegaa Gudidii jaceylkaa I gargaari weydoo Godka inaan u hoydey Taladii ku gooyeen Ubax inaan u geeyoon Gacan qaado mooyee Ana geeri diidoo Galimaayo iilkee AUN FAADUMO AXMED DHIMBIIL

  • @farhanalmani1772
    @farhanalmani17724 жыл бұрын

    10-8-2020

  • @jiirlaqe2087
    @jiirlaqe20874 жыл бұрын

    2020?

  • @sadaamcismaanahmed9225
    @sadaamcismaanahmed92255 жыл бұрын

    Boqoradii codka faadumo Ahmed dhimbiil sidaa goodir caara ama goob libaxee ama guluf coladee ama ciyawga galabee amma gali abaree lagaguuray moyee cidla gacal la anee gabal igudhacayaa gurcudkoo madowbaa xidigaha kugudayaa daruuraha hilaaca galacdiisa racaa gaara bidhaanta hadba gees uracaa ma geeriyo maglibaa kugunanad segaa gudidii jeceylkaa igargaari waydoo godka inan uhoydo taladii kugoyeen ubax inan ugeeyo gacan qaado moyee Ana geeri diido galimaayo iilkee

  • @ismailikamil4981
    @ismailikamil49815 жыл бұрын

    HEESTAN MARKII IIGU HORAYSAY INAN COD KALIYA KU QAADAYSA, OO MALAHAYGA TARTAN FANEED KAGA QAYB QAADANAYSAY...

  • @wardabintabdirahman4155
    @wardabintabdirahman41559 жыл бұрын

    Wwwwwwwwwwwwww eesh calaa hees kama daalo dhagaysigeeda heestan

  • @haboonmohamed6801
    @haboonmohamed68014 жыл бұрын

    Ama geli abaareed Laga guury mooye Cidla gacal LA aaneed Gabal iigu dhacayaa

  • @shabdallamusa8229
    @shabdallamusa82294 жыл бұрын

    Allow u dambi dhaf oo u naxariso qof gari iyo il didi Karo miya jira

  • @ubaxsos3456
    @ubaxsos34565 жыл бұрын

    Heetana anigaya iga hadlaysa lkn wa ina so qada inasha allha 🙏😭

  • @plusquemaviejetaimemamere2225
    @plusquemaviejetaimemamere22256 жыл бұрын

    Ax yaa heez

  • @nurahassan1171
    @nurahassan11717 жыл бұрын

    sida goodir caara ah ama guluf colodaadeed....

  • @hamzemohamed3904
    @hamzemohamed39048 жыл бұрын

    wwwwww

  • @abdirisaaqhassan1181
    @abdirisaaqhassan11817 жыл бұрын

    Wwwweewe

  • @FarhiaFarah-wg5qe
    @FarhiaFarah-wg5qe Жыл бұрын

    Eeeeeeeeeeeeh magacay yartaanaa tanaaa gaba Dr ha khatraaaay qarantaan caddy yareydaanfaraxsaneeyfaceeda karooneey fariidad minyaro bahyareey princseseseses Rasmidumaroo riyaaq rayxaaneey

Келесі