Cabdilaahi Sulfa, Cabdikariim Jiir Iyo Maryan Cali 🔥Iyo Nabi Ammaan "ERGADII FURQAAN"

Ойын-сауық

⭐Qasiidadan Waxa Curinteeda Lahaa
A/ Maxamad Ibrahim Warsame Hadraawi
⭐Laxanka
U/ Cabdikariim Qaarey Jiir AHN

Пікірлер: 49

  • @abdulaahiafcase5079
    @abdulaahiafcase50792 жыл бұрын

    Ergadii Furqaan Nabigii Ilaahow, Ergadii Furqaanow Nuurkii islaamkow, Adigoo adduunkiyo Ifka weli ka maqan baa, lagu sii oddorosoo Ishaarooyin badan baa, Dadku kaa arkeenoo Maalmaha illaahay, Qaar baa astaanlehe Toddobada Ayaamood, Isniin baad ka dhalatoo Adduunyada xuskaagii, Ololaa ka dhacayoo Urur-weyne goortii, Ugxantaadu bururtaa Xiddiguhu ifeenoo, Dayaxaa ilayskii Arladoo dhan gaaroo, Onkodkiyo hillaacaa Araggiyo wax maqalkii, Ashqaraar ku ridayoo Addoomaha dhammaan baa, Insigiyo jinkaa farax Abshir dhaha la yiriyoo, inta Haadda duushiyo idil Habar dugaag baa, abaabuley cayaaroo Dhirtu oogadaadiyo, Afartaada geesood Ubax iyo caleen bay, Ku ila-xireenoo. Ab tirsiimadaadiyo, Meeshaad ku ababtaa Dadku wada ogaayoo, Aaminatu* Wahab baa kugu qaaday uurkoo, Adigoo unkamayoo weli soo If bixin baa, Adoogaa xijaabtoo Nafta laga aroorshoo, Amran hooyadaa baa ummushii ku dhimatoo, Allahay xaliimuu* Igar kaaga dhigayoo, iyaduu xilkaagii Araxdeeda saaroo, iyadaa laf-dhabartiyo kugu qaaday Araxdoo, Abuurtaada Nabiyoow ulajeeddo weyn buu, ka lahaa Ilaahoo hadba Guri Ammaanuu, Rabbi kugu ogaayoo arrintaada meel buu, ku ilaalinaayoo adigoo Agoonaad, Maka ari ku raacdoo oon iyo harraad iyo, Arrad iyo cagaag baad u adkaysanaysee, Nebigii adeerkii, Abuu daalib koriyow, Sow Nabi Ilaahow, Adoo jooga kaligaa Buur oogadeed oo, Adduunyada Dhiskeediyo ifa-faalaheediyo, ku dhex jira ammuuraha ka qarsoon Addoomaha, sow Uur-ku-baaliyo Malak kuuma imanoo, Iqra kuuma dhiginoo Aayadaha Qur'aankiyo, Magacyada Ilaahay kuma oran guddoomoo, Runta kuma ogeysiin. Dabadeed ayaantaas, Xaruntii ilhaamkaa Idan kaaga yimoo, waxa Eebbe kaa wacay Cirka oogadiisoo, Nabow Geenyo uguboo amran oo la yaabloo, Ashkiraa ku qaadoo Carshigaa il-biriqdeed, Irriduhu furmeenoo Ilaaheenna weyn baad, Afti kala hesheenoo Noloshiyo iftiinkuu, kuu soo igmadayoo Gaal iyo Islaamkuu, u arrimi ku yiriyoo Urur-weyne waa taad, ka akhriday Dhambaalkoo Ummadoo dhan shirisoo, Arrintii dhacsiisee Ulajeeddo hadashee, Oosha tidhi hoggaansama. Inkastood wax yaabliyo, tustay dhawr Astaamood waa tay Addoomuhu, Afar iyo Shan mooyee kaa aamuseenoo, iimaansan waayeen Aayadaha Qur'aankee, Dhegahaa ka awteen ulajeeddadaadii, Adyaddaa carruurtiyo Gardarada Abwaanada, Ushu kuma damqaynoo Samirkii Ayuub baad, kaga uur samaydoo Eeddooda waa taad, u adkaysanaysee. Waan-waanta eebbiyo, Amar baad sugaysee Goortii Af daalee, Odayadi Quraysheed Ergo lagala quustaa, Abbaanduulayaashii ka irdhoobey Diintoo, Ashahaada diiddiyo Arbayaashi qooqaa, Bedar lagu umaadoo lagu Arax wareemoo, Ajar iyo Jihaad baa Birta loo afaystoo, Waaberi Arooryaa Uxud layska helayoo, Eebiyo Gantaal baa lagu wada idlaadoo, Dhiiggii ordaayaa oodaha la tegayoo, Ololkii Xunayn baa Boqorkiyo ugaaskii, Indhashoodi duushoo Goobtii Axsaab baa, Axan loogu kariyoo Utin kaa maqnayd baad, Aarkeeda gudatoo Kacbadaa ajarankii, Nafta lagula eertoo Libta lagu aroostaa, Xarameyn ku iidoo Uskaggii ka maydhoo, Waxa laysku aaminay 'aaway ku aaway, Ambaqaad higgaadoo Addin yaa bilaal'. 'dhammideed Adduunyada, Afarteeda waaxyood Aadaanka gaarsii, Addin yaa bilaal'. 'Awliyada qarsoon iyo, Iilkiyo xabaalaha Aammiinta maqashii, Addin yaa bilaal'. Allaahu akbartii bay, daateen asnaamtii Abu jahal rumeeyoo, 'ilaahyadi' la beeree Ninba Toban abuurtaa. Eedaanku dumiyoo Allahay sir iyo caad, inu yahay mid keliyaad Asaraar ka saartoo, Udubbada furqaan baad ku adkaysay ciiddoo, Xididada u aastoo Ummad kala qab-weynoo, Ashahaada karinoo ambatoo hallawdoo, Abtirsiimo lumisoo is addoonsanaysoo, Utin kala dhex-taalliyo Aar-doon ku maratoo, Usha laysku dhacayoo Ooduhu dhex-yaalliin, soo ururshihiiyow. Dunidoo la iibshoo, Dadku kala irdhooboo Odayadu Dhashoodii, Nolol aasayaanoo Qof kastaa Itaalkii, ku adeeganaayoo Ruuxaan awood-layn, la addoonsanaayoo Dadku ooyayaanoo, Ummal-taah ku seexdaan Nebigii axsaabtiyo, Gallad iyo abaalkiyo soo rogey Ammaankow. Xaqa kama ajoodow, Runta kama adkaystow Ammaanada ma lumiyow, Dadka uma abtiriyow Ammaantaada Nabiyoow, Afku koobi maayoo waxaad olol bakhtiisiyo, waxaad Eedo reebtiyo waxaad iin daweysiyo, waxaad Eel bogsiisiyo waxaad aafo damisiyo, Illinkaad bannaysiyo Dhaqankiyo asluubtiyo, Garaadkiyo aqoontiyo Iimaanka sugan baa, Dadku kaaga aayee Axdigaagu waa tiir, Ummaddaadu mudantahay. Rabbow adiga mooyee, Illaah kale ma jiro. marka xiga aqoonsanin, Nabi muxamad Eebbow Ergadii Furqaan iyo, inuu yahay ma dhaafaan Ambiyada dhammaantood. Allahayow ha nagu xilin, Noloshiyo adduunyada. Eebbow sinnaantiyo, Islaamnimada xooggee. Udgoonow rasuulkii, Ummaddiisa naga yeel na illaali weligaa, Rabbow iilka nagu dhawr Ifka nagu xannaanee, Eebbow hortaadiyo Aakhiro Qiyaamaha, Rabbiyow il dabacdoo Naxariis leh nagu eeg

  • @NalaSaaxiib

    @NalaSaaxiib

    Жыл бұрын

    Qoraalkan ma heli karaa walal

  • @cabdikarimofficial4689

    @cabdikarimofficial4689

    3 ай бұрын

    "Nebigii Ilaahow, Nuurkii Islaamkow, Adigoo adduunkiyo Ifka weli ka maqan baa Lagu sii oddorosoo, Ishaarooyin badan baa Dadku kaa arkeenoo, Ayaamaha Ilaahay Qaar baa astaan lehe Toddobada ayaamood Isniin baad ka dhalatoo, Adduunyada xuskaagii Ololaa ka dhacayoo, Ururweyne goortii Ugxantaadu bururtaa Xiddiguhu ifeenoo, Dayaxaa ilayskii Arladoo dhan gaadhoo, Onkodkiyo hillaacaa Araggiyo wax maqalkii Ashqaraar ku ridayoo, Insigiyo jinkaa farax Abshir dhaha la yidhiyoo, Inta haadda duushiyo Idil habar dugaag baa Abaabulay ciyaaroo, Dhirtu oogadaadiyo Afartaada geesood Ubax iyo caleen bay Ku ilaa xidheenoo. يا خير الأنام عليك السلام Abtirsiimadaadiyo Meeshaad ku ababtaa Dadku wada ogaayoo, Aaminatu Wahab baa Kugu qaadday uurkoo, Adigoo unkamayoo Weli soo ifbixin baa Adoogaa xijaabtoo Nafta laga aroorshoo, Amran hooyadaa baa Ummushii ku dhimatoo, Allahay Xaliimuu Igadh kaaga dhigayoo, Iyaduu xilkaagii Adhaxdeeda saaroo, Iyadaa lafdhabartiyo Kugu qaaday adhaxdoo, Abuurtaada Nebiyow Ulajeeddo weyn buu Ka lahaa Ilaah oo, Hadba guri ammaanuu Rabbi kugu ogaayoo, Arrintaada meel buu Ku ilaalinaayoo, Adigoo agoonaad Makka adhi ku raacdoo, Oon iyo harraad iyo Arrad iyo cagaag baad U adkaysanaysee; Nebigii adeerkii Abu Daalib koriyow. Nebigii Ilaahow Adoo jooga keligaa Buur oogadeedoo Adduunyada sirteediyo Ifafaalaheediyo Ku dhex jira ammuuraha Ka qarsoon addoomaha, Sow uur-kubaalliyo Malag kuuma imanoo Iqra kuuma dhiginoo Aayadaha Quraankiyo Magacyada Ilaahay Kuma odhan guddoomoo Runta kuma ogeysiin. Dabadeed ayaantaas Xaruntii Ilhaamkaa Idan kaaga yimidoo, Waxa Eebbe kaa wacay Cirka oogadiisoo, Nebow geenyo uguboo Amran oo la yaabloo Ashkiraa ku qaaddoo, Carshigaa il bidhiqdeed Irriduhu furmeenoo, Allaheenna weyn baad Afti kala hesheenoo, Noloshiyo iftiinkuu Kuu soo igmadayoo, Gaal iyo Islaamkuu U arrimi ku yidhiyoo, Ururweyne waa taad Ka akhriday dhambaalkee Ummaddoo dhan shirisee Arrintii dhacsiisee Ulajeeddo hadashee Oosha tidhi hoggaansama. Inkastood wax yaabliyo Tustay dhawr astaamood, Waa tay addoomuhu Afar iyo shan mooyee Kaa aamuseenoo Iimaansan waayeen Aayadaha Quraankee Dhegahana ka awteen Ulajeeddadaadoo, Adyadaa carruurtiyo Gardarada abwaannada Ushu kuma damqaynoo Samirkii Ayuub baad Kaga uur samaydoo, Eeddooda waa taad U adkaysanaysee. Waanwaanta Eebbiyo Amar baad sugaysee Goortii af daalee Odayadi Quraysheed Ergo lagala quustaa Abbaanduulayaashii Ka irdhoobay Diintee Ashahaada diiddiyo Arbayaashi qooqaa Beder lagu umaadoo Lagu adhax wareemoo, Ajar iyo jihaad baa Birta loo afaystoo Waaberi arooryaa Uxud layska helayoo, Eebiyo gantaal baa Lagu wada idlaadoo, Dhiiggii ordaayaa Oodaha la tegayoo, Ololkii Xuneyn baa Boqorkiyo ugaaskii Indhashoodi duushoo, Goobtii Axsaab baa Axan loogu kariyoo, Utin kaa maqnayd baad Aarkeeda gudatoo, Kabcaada ajarankii Nafta lagula eertoo, libta lagu aroostaa Xarameynku iidoo, Uskaggii ka maydhoo, Waxa laysku aaminay "Aaway ku aaway Ambaqaad higgaadoo Addin yaa Bilaal". "Dhammideed adduunyada Afarteeda waaxyood Eedaanka gaadhsii Addin yaa Bilaal". "Awliyada qarsoon iyo Iilkiyo xabaalaha Aammiinta maqashii Addin yaa Bilaal". Allaahu Akbartii bay Daateen asnaamtii Abu Jahal rumeeyoo, 'Ilaahyadi' la beertee Ninba toban abuurtaa Eedaankii dumiyoo, Allahay sir iyo caad Inu yahay mid keliyaad Asaraar ka saartoo, Udubbada Furqaan baad Ku adkaysay ciiddoo Xididada u aastoo, Ummad kala qabweyn oo Ashahaada karinoo Anbatoo hallawdoo Abtirsiimo lumisoo Is addoonsanaysoo Utin kala dhex taalliyo Aardoon ku madhatoo Usha laysku dhacayoo Ooduhu dhex yaalliin Soo ururshihiiyow." يا خير الأنام عليك السلام | ERGADII FURQAAN | 1978.

  • @buuxciise1382
    @buuxciise13822 жыл бұрын

    SCW SCW SCW ilahay intuu rasuulku u shafeecaqaado haynaga yeeelo aamiin aamiin 🤲🤲🤲

  • @JAMHAD10
    @JAMHAD102 жыл бұрын

    Erayadii Hadraawi cimir dheer🙏🇸🇴 SCW

  • @AhmedMohamed-tn5yg
    @AhmedMohamed-tn5yg2 жыл бұрын

    Erayadii abwaan maxamed warsame hadraawi

  • @AbdirahmanAbdiAli
    @AbdirahmanAbdiAli3 ай бұрын

    Sanadku waa 2024 xiligu wa habeen sacaduna 8:05 rabadan waa 24 xasus aan cadi ahiin bay ii gelisey qasidsdn ❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤❤

  • @SuugaanSafaari
    @SuugaanSafaari9 ай бұрын

    Caawa waa habeen khayr badan waana habeenkii uu dhashay Suubanihii iyo naxariis badanihii Islaamka NEBBIGEENII suubanaa Salalaahu calayhi Wasalam.❤ Alle sw fadligiisa iyo fadliga NEBBIGA SUUBAN SWC awgii hawgu naxariisto Abwaan Hadraawi Abdikariin Faarax Qaarey Jiir Sulfa iyo Dhammaan intii Dhimatayba. Aamiin Yaa RABBI.

  • @Yaasiin.aburaas
    @Yaasiin.aburaas19 күн бұрын

    S.c.w..sayidinaaa...muxaed

  • @cabdirizakbashebuul7977
    @cabdirizakbashebuul7977 Жыл бұрын

    allaaha unaxariisto abwaan maxamed ibraahin warsame hadraawi iyo cabdikariin jiir laxamaystihii waynaa labaduba waydhinteen

  • @mustafeabdirizak1277
    @mustafeabdirizak12773 ай бұрын

    يا خير الأنام عليك السلام ergadii furqaan nabi maan siiradii rasuulku ku dhan tahay ilahay ha u naxariisto abwaankii sameeyey maxaned ibraahi warfare Hadraawi

  • @abshircarab18
    @abshircarab182 жыл бұрын

    Scw

  • @canbecabdisamad4820
    @canbecabdisamad48203 ай бұрын

    Scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw scw rasul maxamed nuurow rabi janad haynagu kulumiyo amin

  • @engmustafahassan3945
    @engmustafahassan39454 ай бұрын

    Waa xalli ramadaan, waxaa ii shidan qasadadii "Ergadii Furqaan".

  • @maxamedleloon8394
    @maxamedleloon83942 жыл бұрын

    Waayo waayo waa i daweyseen baraawo

  • @awbustaale5719
    @awbustaale57192 жыл бұрын

    Isu ekaa qasiidadan Hadraawi iyo tii gabyaagii carbeed ee la odhan jiray Axmed Showqi nabiga ku amaanay(scw). "Ugxantaada bururtaa Xidiguhu ifeenoo Dayaxaa ilayskii Arladoo dhan gaadhoo Ashqaraar ku ridayoo Addoomaha dhammaan baa Abshir dhaha la yidhiyoo". Axmed Showqi tiisu waxay ka bilaabmaysay: "ولد الهدى فالكائنات ضياء وفم الزمان تبسم وسناء الروح والملأ الملائك حوله للدين والدنيا به بشراء

  • @engmustafahassan3945

    @engmustafahassan3945

    4 ай бұрын

    Aad iyo aad, waxaad mooddaa in hal dab laga soo wada qaaday.

  • @abdirashidelmi9693
    @abdirashidelmi96932 жыл бұрын

    Salawatulahi rabbi wa salamuhu caleyhi csw csw csw csw csw csw csw csw csw

  • @Yaasiinaburaasjaamac
    @Yaasiinaburaasjaamac Жыл бұрын

    ❤❤nabi❤❤❤muxamed❤❤❤❤❤❤❤

  • @salmaanmaxamed-xc9td
    @salmaanmaxamed-xc9td13 күн бұрын

    Scw scw scw

  • @xamsehagoog4268
    @xamsehagoog42684 ай бұрын

    Waa siiradii rasuuulka oo dhammaystiran, afkeennana si farshaxamaysan loogu dhaad-dhaaday. Alle miisaanka xasanaadka ha ugu daro Abwaan Maxammed-Hadraawi oo midhahan cajabta badan curiyay iyo kooxdan sida wacan inoo soo gaadhsiisay. Alle ha u wada raxmdo idilkood.

  • @sayidka6911
    @sayidka69112 жыл бұрын

    Allaha u naxariisto intii dhimatay, inta nool cimri dheer iyo caafimaad.

  • @ahmedsahal2478
    @ahmedsahal2478 Жыл бұрын

    Shukran xusuus weyn bay igu leedahay caruurnimadaydii

  • @ahmedyesto3458
    @ahmedyesto3458 Жыл бұрын

    Salallahu calyhi wasalam N&N.k.h

  • @user-yz1oc1yg5b
    @user-yz1oc1yg5b3 ай бұрын

    Ilaahaay hawnaxaristo hadraawi iyo jiirba

  • @malaayiinmedia3124
    @malaayiinmedia3124 Жыл бұрын

    Hadraawi shalay ayaa la aasay cabdikariim jiir na dhowr bilood ka hor labadoodaba allaha u naxariisto nabigoodii udgoonaa ee ey ammaaneenna allaha la kulmiyo lana soo saaro annagana sidoo kale

  • @youngboy5293
    @youngboy52932 жыл бұрын

    Cabdulahi Maxamuud Jimcaale Zulfa magaalada Riyadh buu degan yahay salaan sare saaxiib

  • @alishafti5977
    @alishafti5977 Жыл бұрын

    Alle ha u raxmado Abwaan Hadraawi iyo Mulaxan Cabdikariin Jiir. Runtii waa nebi amaan aad u qiimo badan oo si tifaftiran loogu qaadaadhigay siiradi Rasuulka. Hadraawi wuxuu ahaa Canary in a coolmine.

  • @hamzeabdi7605
    @hamzeabdi76052 жыл бұрын

    Eragadii furaqaan

  • @Ansaaari__7
    @Ansaaari__74 ай бұрын

    Qasidadan markan maqlo ilinta ma ceshan karo ano ilmeya😢is arka xasuus qaliya igu leday 🤲 {ALLEH} waa mahada

  • @abdirahmanhaydar9481
    @abdirahmanhaydar94812 жыл бұрын

    Wwww waayo waayo aad ayaa u mahad santahay wll

  • @HassanAlimohamoud-wb6bv
    @HassanAlimohamoud-wb6bv9 ай бұрын

    Allahu masalli calaa nebiyinaa mohammad

  • @Dangarad.01
    @Dangarad.014 ай бұрын

    Hadraawi iyo Jiir oo is helay.❤

  • @amirsheikh691
    @amirsheikh6914 ай бұрын

    Waayo waayihii wacnaa mahadsanid walaal qasidadaan mudda dheer ban raadinayay idacada horn afrik ban ka dhageysan jiray

  • @diaatik9022
    @diaatik90223 ай бұрын

    صلوات ربي وسلامه عليه

  • @ahmedsahal2478
    @ahmedsahal2478 Жыл бұрын

    Allahu musali calaa seynal wuujuud

  • @najmakhyr5030
    @najmakhyr5030 Жыл бұрын

    Mansha allah ilaahay qabriga ha kuu nuuro abwaan

  • @miftaaxtube2907
    @miftaaxtube29072 жыл бұрын

    AUN Cabdikariim faarax Qaarey Jiir laba bilood iyo 20habeen ayuu mootanyahay 😭

  • @abdialihassanraabuush3998

    @abdialihassanraabuush3998

    3 ай бұрын

    Eebe ha u raxmado

  • @abdimaxamed3454
    @abdimaxamed34542 жыл бұрын

    Scw scw scw scw scw scw scw scw scw sweet voicesess

  • @Yaasiin.aburaas
    @Yaasiin.aburaas19 күн бұрын

    Y.m.j.aburaas

  • @Yaasiinaburaasjaamac
    @Yaasiinaburaasjaamac Жыл бұрын

    Halgan/diimaaad

  • @HassanAlimohamoud-wb6bv
    @HassanAlimohamoud-wb6bv9 ай бұрын

    Sulfa Allah yarxamu

  • @Yaasiinaburaasjaamac
    @Yaasiinaburaasjaamac Жыл бұрын

    S.C.W.

  • @user-ft3cf3yy8k
    @user-ft3cf3yy8k4 ай бұрын

    Csm

  • @user-lw1bc1hy1z
    @user-lw1bc1hy1z9 ай бұрын

    Csw csw csw 😊

  • @mahadamadaxyar2165
    @mahadamadaxyar2165 Жыл бұрын

    Csw csw csw csw csw csw csw csw

  • @abdulqadirali7885
    @abdulqadirali78858 ай бұрын

    Scw

  • @kingmoha9965
    @kingmoha9965 Жыл бұрын

    Scw scw scw

Келесі